Hay'adda Sirdoonka ee Itoobiya oo magaca laga bedelayo

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Hay'adda Sirdoonka iyo Howlaha Ammaanka ee dalka Itoobiya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqdey qorshe magaceeda loogu bedelayo "Xarunta Mukhaabaraadka Qaranka".

Demelash Gebremichael, agaasimaha guud ee hay'adda, ayaa u sheegay wariyeyaasha, in xeerka lagu bedelayo magaca uu gabagabo yahay sidoo kelana uu saameynayo shaqadda.

Hindise-sharciyeedka dib-u-habeyn loogu sameynayo hay'adda ayaa sidoo kale ka madax-banaaneenaya siyaasadda, qowmiyadaha iyo diimaha, sidda laga soo xigtay Gebremichael.

Sidda uu ka dhawaajiyey Demelash, hay’addu waxay sidoo kale diyaarisay qorshe tobban-sano ah oo ku saabsan bixinta casharo la xiriira sirdoonka oo lagu tababarayo saraakiil cusub.

Dhinaca kale, agaasimaha ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyay baaritaan ku saabsan musuqmaasuqa oo lagu sameeyay hay'addo dowladeed kuwaasoo eedeymaha wajahaya.

"Baaritaankeena waxaan ku ogaanay in ay jiraan qulqul maaliyadeed oo sharci darro ah iyo hub," ayuu ku daray.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid bishii April ee 2018-kii, ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa wuxuu ku sameynaayey hay'adaha dowliga ah ee Itoobiya dib-u-habeyn aragtiyo kala duwan laga bixiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM