Heshiis taariikhi ah oo lagu gaarey shirka isbadalka cimilada Masar

Image
Wadahadalada oo si weyn isha loogu hayey ayaa xalay ka dhacay magaalada Sharm el-Sheikh.

QAAHIRA, Masar - Wadamada ku shirsan Masar ayaa wada gaaray heshiis taariikhi ah oo lagu dhisayo sanduuq lagu caawinayo wadamada ay sida ba’an u saameysay isbedelka cimilada.

Wadahadalada oo si weyn isha loogu hayey ayaa xalay ka dhacay magaalada Sharm el-Sheikh - in ka badan hal maalin kaddib markii la qorsheeyay in lasoo gabagabeeyo.

Heshiisku wuxuu ku salaysan yahay arrinta muhiimka ah ee "khasaaraha iyo waxyeelada", iyada oo la tixraacayo maalgelinta waddamada ay saameysay isbeddelka cimilada.

Horaantii, madaxa Masar ee shirka COP27 ayaa wuxuu qiray inay ku qanacsanayn wada xaajoodayaasha laakiin wuxuu ku booriyay inay "u kacaan munaasabadda".

Waxaa jira walaac laga qabo in bartilmaameedka lagu xaddidayo kulaylka heerka ugu muhiimsan ee 1.5C ee ka sarreeya waqtiyada warshadaha ka hor la ilaalin doono.

Qaramada Midoobay ayaa waxay hoosta ka xariiqdey in heerkulka sare u kaca heerkan uu malaayiin qof oo kale u soo bandhigi doono saameynta cimilada xun ee aadka looga cabsi qabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM