Heshiisyo ay Itoobiya la gashay Jabuuti iyo Rwanda oo la ansixiyey

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Golaha Wakiilada Itoobiya oo Khamiista maanta ah yeeshay fadhi ayaa meelmariyey heshiisyo is-dhaafsi maxaabiis oo xukuumadda Addis Ababa la gashay Jabuuti iyo Rwanda.

Heshiisyaddaan aan la fahfaahin ayaa ogolaanaya in dowladaha ay isku gudbiyaan shaqsiyaadka laga doon-doonayo wadamadooda.

Kulanka maanta oo ka dhacay hoolka Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale lagu ansixiyey arrimo kala duwan oo loo gudbiyey golaha.

Go'aanada uu golaha ansixiyey waxaa kamida magacaabida shan xubnood oo buuxinaya boosas ka banaanaa Guddiga qaran ee dib-u-heshiisiinta oo uu soo xushay ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

Dereje Jemberu, Demelash Yadete, Dr. Ezra Abate, Fatuma Hasse iyo Garad Kulme ayaa la dhaariyey markii ay heleen codka kalsoonida.

Waajibaadka guddigaan ayaa ah xalinta is-qabqabsiga qowmiyadaha ee dhinacyadda; siyaasadda, xuduudaha iyo arrimo kale.

Ugu dambeyntii, baarlamaanka ayaa ansixiyey heshiis dhexmaray Itoobiya iyo Qadar oo ku saabsan kordhinta maalgelin lagu sameynayo soo saarista macdanta iyo heshiis deyn ah oo lagu xakameynayo Ayaxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM