Aadan Barre oo laga xayuubiyey xilkii uu ka hayey baarlamaanka Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Aadan Barre Ducaale ayaa laga xayuubiyey xilkii hogaamiyaha Aqlabiyadda ee baarlamaanka waddanka Kenya, sidda uu Isniinta maanta ah soo wariyey joornaalka afka dheer ee Daily Nation.

Amos Kimunya oo metela ismaamulka Kipipiri ayaa waxaa loo doortay in uu bedelo siyaasigaan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse dhalashada Kenya qaatay.

Xilli uu Ducaale metelo Garrissa, isbedelkaan ayaa waxaa looga dhawaaqay kulan ay yeesheen Xubnaha Baarlamaanka ku metela xisbiga talada haya ee Jubilee.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay in uu goobjoog ahaa is-aragga oo ka dhacay Kenyatta International Convention Centre.

Xilka ka qaadista Aadan Barre Ducaale ayaa ahayd mid maalmihii lasoo dhaafay la hadalhayey maadaama lagu waramay in uu hoos u dhacay cilaaqaadkii wanaagsanaa ee kala dhaxeeyay Uhuru Kenyatta.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sababta hoos u dhigtay xiriirka labada mas'uul ku sheegtay is-qabqabsiga ka taagan warbixintii BBI iyo tirokoobkii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay dadweynaha Kenya.

Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya oo dacwad gudbiyey ayaa ku doodey in tirokoobka aan loo sameyn si cadaalad ah isla markaana qolo gaar ah ay tirada bad-satay.

BBI oo ah warbixin ay soo diyaariyeen guddi dowladda iyo mucaaradka kooban ayaa isbedel loogu sameynayaa nidaamka dowladeed ee Kenya, iyaddoo lagu soo darayo xilka ra'iisul wasaare si awood qeybsi loo helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM