Hogaamiyaha mucaaradka Kenya oo lagu qaadey weerar dhagxaan ah

Image
Booliska ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen kooxdii ka dambeysay weerarkan.

NAIROBI, Kenya - Weerarkan tuuryada ah ayaa lala beegsaday hogaamiyaha isbaheysiga AZIMIO ee Raila Odinga wax yar ka dib markii deegaanka Soy ee ismaamulka Uasin Gishu ay soo cagodhigatay diyaarad kuwa qumaatiga u duula ah oo uu saarnaa hogaamiyaha.

Raila ayaa muhiimada safarkiisa lagu tilmaamay in uu ahaa ka qayb galka aas halkaas ka dhacayey. Ciidamada booliska Kenya ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan ilaa 17 qof oo lala xiriirinayo inay qeyb ka ahaayeen weerarka tuuryada ahaa oo lagu qaaday diyaariyada uu la socday musharaxa xisbiga Azamio, horayna u soo noqday Ra’iisal Wasaaraha Kenya Raila Odinga.

Muuqaalo laga soo qaaday diyaaradda la weeraray ayaa waxaa ka muuqday burbur xoogan oo soo gaaray muraayadaha hore ee diyaaradda balse ma jirin wax dhibaato kale ah oo gaaray hogaamiyaha iyo xulafadii la socotay.

Ciidamada booliska Kenya ayaa wali baaraya dadka loo soo xirxiray weerarkan waxaana sidoo kale jirta in siyaasiyiin laga soo doorto deegaanka  Soy lala xiriirinayo in ay ku lug leeyihiin weerarkan dhagaxtuurka ah ee lagu qaaday hogaamiyaha isbaheysiga AZIMIO.

Ciidamada danbi baariska Kenya ee (DCI) ayaa sheegay in baaritaanada hor dhaca ah ee ay sameeyeen ay muujinayaan in rabshadani ay ku lug leeyihiin masuuliyiinta laga soo doortay deegaanka iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah.

Makau Mutua oo ah xoghaya isbaheysiga AZIMIO ee musharaxa uu u yahay Raila Odinga ayaa warbaahinta u sheegay in falkan weerarka ah uu ahaa shirqool loo maleegay hogaamiyehooda waxa uuna ku tilmaamay mid lagu qalqal galinayo nabadgalyada wadanka Kenya.

Dalka Kenya ayaa laga dareemayaa ololaha doorashada madaxtinimada si weyn ugu loolamayaan xubnaha labada xisbi ee AZIMIO iyo UDA waxaana soo baxaya walaac lala xiriirinayo in rabshaduhu intaan kasii badan karaan markasta oo waqtiga usii dhawaado dhinaca bisha Agoosto oo lagu in dalka ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM