Hogaamiye xisbi mucaarad oo loo xiray sabab la xiriirta Covid-19

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Booliska caasimada Itoobiya ee Addis Ababa ayaa lagu waramay in ay shalay xireen Eskinder Nega, aas-aasaha iyo hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Dimuqraadiyadda Dhabta ah.

Henok Aklilu, madaxa waaxda sharciga ee xisbigaas oo xaqiijiyey xariga ayaa u sheegay wargeyska Addis Standard in fahfaahin kooban laga siiyey sababta dhabta ah ee soo dedejisay qabashada Eskinder.

Xilli uu ka dhawaajiyey in uu ku xiran yahay saldhiga booliska ee Kolfe Keranio Kifle Ketema, Henok ayaa xusay in hogaamiyahooda lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay shuruucda xakameynta Covid-19.

Si gaar ah waxay booliska ku haystaa qodobka mamnuucaya in ay kulmaan wax ka badan afar qofood inta lagu guda jiro xaaladdan.

Sidda laga soo xigtay Henok, hogaamiye Eskinder ayaa la hadlayey dad ku sugan aaga Kolfe Keranio oo ka cabanayey guriyahooda oo ay ka bubruriyeen ciidamadda ammaanka, oo diiday in ay hadlaan.

Booliska Federaalka ah ee Itoobiya oo xiriiro kala duwan lala sameeyay ayaanan ka jawaabin telefoonadda, sidda jara'idku xusay.

"Eskinder wuxuu ii sheegay in uu habeen ku jiri doono saldhiga booliska oo wali lagu hayo," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Henok Aklilu.

Xarigaan ayaa kusoo hagaagaya xilli qaybo kamid ah Itoobiya ay ka socdaan banaanbaxyo ka dhashay dil loo geystay fanaan caan ah oo kasoo jeeday qowmiyada Oromada. Baaris ayaana ku socotay falkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM