Hogaamiyeyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya oo kulmaya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa maanta oo Axad ah shaaca ka qaadey in dhowaan uu la kulmi doono hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Eritrea.

Sidda laga soo xigtay qoraal uu soo dhigay bartiisa shaqsiga ah ee Twitter-ka, is-araga ayaa ka dhacaya Casmara, oo ah magaalo madaxda waddanka Eritrea.

Abiy ma uusan carabaabin waqtiga uu qabsoomayo shir-madaxeedkaas iyo ajendeyaasha lagu lafaguri doono.

"Waxaan la kulmi doonaa walaalahay, hogaamiyaasha Eritrea iyo Soomaaliya. Madaxweyne Isaias Afwerki, madaxweyne Maxamed C/llaani iyo anigu waxaan ka wada hadli doonaa arrimo kala duwan," ayuu yiri.

Wasiirka koowaad ee Addis Ababa ayaa ku daray "sidda had iyo jeerba, waxaan hubaa in magaaladeyda qaaliga ah ee soo dhaweynta Asmara ay joogitaankeena noqon doonto mid farxadeed".

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay Madaxtooyadda dalalka Soomaaliya iyo Eritrea oo ku saabsan kulankaan.

Abiy Axmed ayaa galabta gaaray Casmara kahor shirka saddex-geesoodka ah. Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu waddaa in uu madaxdan ku biiro maalinta berri ah.

Kulamo ay madaxdan horey ugu yeesheen Asmara ayay kaga xaajoodeen xaalada gobolka gaar ahaan iskaashi ay ka yeeshaan dhinacyadda ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Horaantii bishaan Janaayo, 2020, madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Eritrea ee Afwerki oo ku kulmay Asmara ayaa isla meel-dhigay xoojinta heshiisyadii hore iyo iskaashiga danaha ka dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM