Hogaamiyihii la riday ee Suudan oo wajahaya eedeymo musuqmaasuq

Image

KHARTUUM, Suudaan – Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxaa lagu wadaa in maxkamad loosoo taago eedeymo ay kamid yihiin musuq-maasuq uu ku kacay 30-sano oo uu xukunka hayey.

Hogaamiyahan la afgembiyey, kaasi oo maxkamadeyntiisa ay bilaabaneyso Isniinta maanta ah, ayaa si lamid ah lagu soo eedeeyay "haysashada lacag shisheeye, wax is-dabarin iyo helida hadiyado sharci darro ah".

Al Bashiir oo xukunka ku qabsaday awood military bishii June 30-keeda, sanadkii 1989-kii, isla markaana xukunka hayey illaa 11-kii April 2019, ayaa waxaa inqilaabay bishii June cutubyo kamid ah ciidamada wadankaasi.

Dacwad oogeyaasha ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay dib u furayaan kiisaska la xiriirka dambiyo ka dhan ah Al Bashiir oo ay kamid tahay "maal-gelinta argagixiso, lacag dhaqid iyo amarida khaarijinta banaan-baxayaal".

Dambiyaddan ayaa waxa uu ku muteysan karaa xukun dil toogasho ah, waase hadii ay ku cadaadan, sidda laga soo xigtay warqadda dacwad oogeyaasha.

Kahor maxkamadeynta, agaasimaha bariga Afrika ee Amnesty International, Joan Nyanyuki, ayaa bayaan ku yiri: "Maxkamadeytan waa talaabo wanaagsan oo loo qaadey dhanka isla xisaabtanka dambiyada lagu edeeyay".

Joan oo sii hadlaya ayaa wuxuu intaasi raaciyey: "Isaga waxa uu wali doonayaa oo ka go’an in uu geysto dambiyo ka dhanka ah dadka Suudaan.

Mudadii uu xafiiska joogay, Al Bashiir oo Suudaan ku hogaamiyey colaado kala duwan ayaa noqday mid ay doon-dooneysay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah oo ku eedeysay xasuuqii Darfur.

Cumar Xasan Al-Bashiir oo tan iyo markii talada laga riday xabsi ku jiray ayaa waxa uu sidoo kale ahaa ninkii hogaaminayey midowga Suudaan kahor inta aysan xorriyadda qaadan Suudaanta Koonfureed, 2011-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM

Mareykanka oo qorsheynaya inuu ka qaado cunaqabataynta dalka Eritrea xilli ay taagan tahay xiisadda Badda Cas

Sannadkii 2021-kii, maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa cunaqabatayn baahsan saaray xisbiga talada haya ee Eritrea.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:25PM