Hogaanka ONLF oo ku laabanaya Itoobiya iyo Abiy Axmed oo qorshe u dejiyay

Image

ADDIS ABABA - Wafdi 20-xubnood ka kooban oo ka socda hogaanka sare ee Jabhadda ONLF ayaa sabtida soo socota, 1-da December ku wajahan dalka Itoobiya.

Waxaa ku jira xubnaha gudoomiyaha ONLF, Maxamed Cumar, sida uu sheegay Afhayeenka ONLF.

Tani ayaa kusoo beegmaysa xilli todobaadkii tagey ay ciidamada ONLF ay ku laabteen Jigjiga, iyagoo kasoo guurey xeryahooda Eritrea, kadib heshiis Jabhadda la gashay dowladda Itoobiya.

ONLF iyo dowladda Itoobiya ayaa Asmra ku saxiixday bishii lasoo dhaafay heshiis lagu soo afjaray colaaddii labada dhinac u dhaxaysay.

Heshiiskan Taariikhiga ah ayaa u ogolaanaya ONLF inay qaab nabadeed ku raadsato hamigeeda siyaasadeed ee dalka Itoobiya, iyadoo ciidankeeda la qarameynayo, laguna biirinayo kuwa Federaalka.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dhawaan wadahadal la furay xisbiyadda siyaasadeed ee dalkiisa, kuwaasoo uu kala tashanayo sidii dalkaasi uga dhici lahayd doorasho dimuqraadi ah 2020-ka.

Xisbiyada waxaa ku jira kuwa mudo dheer dalka dibad-joog ka ahaa, oo hadda markii uu isbedelka ka dhacay dib ugu soo laabtey Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM