Hub ku qulqulaya "AlShabaab" oo lala xiriiriyey ciidanka Mozambique

Image
Weeraradii ay geysatay 2017 ayay ku fuliyeen baangado oo ah hub si weyn looga heli karo gobolka.

MAPUTO, Mozambique - Tan iyo markii kooxda la magacbaxdey Al-Shabaab ay bilaabeen inay weerarro ka fuliyaan gobolka Cabo Delgado ee waqooyiga Mozambique bishii Oktoobar 2017, waxay u muuqdaan kuwa ciidan ahaan awood yeeshay.

Weeraradii ay geysatay 2017 ayay ku fuliyeen baangado oo ah hub si weyn looga heli karo gobolka. Sawiradii ugu horeeyay ee ay ku faafiyeen baraha bulshada ayaa ka tarjumay arintan, iyadoo hubkooda ugu waawayn uu ahaa qoriga AK-47.

Afartii sano ee la soo dhaafay, Al-Shabaab oo la rumeysan yahay in aysan xiriir la lahayn kooxda ku magaca ah ee Soomaaliya waxay u muuqataa mid sameysay horumar ballaaran gaar ahaan dhanka hubka.

Awood ay isaga caabiyaan milatariga Mozambique iyo laba shirkood oo Ruushku leeyahay - Wagner Group iyo Dyck Advisory Group -  oo qandaraas lagu siiyey xakameynta maleyshiyadda ayay lasoo shir-tageen

Al-Shabaab waxaa u suurtagashay in ay qabsadaan oo ay gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaalla Cabo Delgado, oo ay ku jirto magaalada dekedda leh ee Mocímboa da Praia muddo sanad ah.

Kooxda ayaa sidoo kale weerar guuleystay ku qaaday magaalada Palma oo ah goob horumar weyn laga gaaray ka faa’iidaysiga saliidda iyo gaaska ee Cabo Delgado.

Tan iyo bishii Luulyo 2021, faragelinta ciidamada Rwanda iyo ciidamada isbaheysiga SADC ayaa ka caawiyay ciidamada Mozambique inay dib u qabsadaan qaar ka mid ah dhulkan. Sidaas oo ay tahay colaadda ayaa sii socota, waxayna dib uga soo cusboonaatay qaybo ka mid ah Cabo Delgado waxayna ku fiday gobollo kale.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale dib u soo ceshatay xiriirka ay la leedahay dowladda Islaamiga ah. Dhowr falanqeeye ayaa ku doodaya in Al-Shabaab ay sidoo kale hub ka kala soo degtay meel ka baxsan Mozambique.

Qaarkood ayaa qiyaasayay in shabakadaha dambiilayaasha ah gobolka ay isticmaaleen marinada sharci daradda ah gaar ahaan ka ganacsiga maandooriyaha iyo alwaaxa si ay hubka ugu gudbiyaan Al-Shabaab.

Initiative Global Recent Global Crime Against Transnational Organised Crime (GI-TOC) ayaa baaritaan ku sameysay waddooyinka kale ee ay hubka ka heshay falaagadda waxaana natiijadda ay farta ku goday milatariga Mozambique.

Bishii Sebtembar ee sanadkii 2021, waxaa soo baxay warar sheegaya in Al-Shabaab ay adeegsatay walxaha qarxa (IED). Qaraxaas waxaa loo maleynayaan in ay ka sameeyeen hub ay ka furteen ciidamadda Mozambique kadib weerar ay ku qaadeen saldhig milatari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM