IGAD oo markii ugu horreysay ka hadashay dagaalka Suudaan

Image
Tan iyo markii ay Khartoum hakisay xubinnimadii, IGAD ayaa wax war ka soo saarin dagaalka.

Khartoum (GO) - Urur Goboleedka IGAD ayaa xaqiijiyay inay si buuxda uga go’an tahay in la sii ambaqaado dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro nabadda Suudaan laguna joojiyo dagaalka socda ee u dhexeeya ciidamada iyo xoogaga Taageerada degdegga ah, tan iyo bartamihii Abriil 2023.

IGAD ayaa warmurtiyeed ku sheegtaay inay ka go'an tahay inay isticmaasho wax kasta oo awood ah si ay u joojiso dagaalka Suudaan, bilawdo hannaan siyaasadeed oo ay kala kaashanayso Midowga Afrika, Inkasta oo dawladda Suudaan ay joojisay xubinnimadeeda ururkaasi.

Xoghayaha Fulinta ee Ururka, Workni Qebeho, ayaa yiri: "Waxaan yeelannay wadahadallo wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta geeddi-socodka nabadda ee Suudaan, waxaana xoogga saarnay iskaashiga muhiimka ah ee IGAD iyo Midowga Afrika.”

Waa bayaankii ugu horreeyay ee ay IGAD ka soo saarto dhibaatada Suudaan tan iyo markii Khartoum gabi ahaanba joojisay xubinnimadii ururkaas 20-kii Janaayo, oo ay ku dhawaaqday in aysan ku xirnayn waxa ay soo saarto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM