Imisa Soomaali ah ayaa ku dhimatay weerarka Hotel-ka Dusit ee Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarka culus ee Al-Shabaab ku qaadey galabta dhismo muhiim ah oo ku yaalla xaafadda Westlands ee galbeedka magaalada Nairobi, ee caasimadda dalka Kenya.

Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa xigay rasaas xooggan, iyadoo dabley hubeysan oo lagu qiyaasay illaa 6 ayaa gudaha u galay xarunta oo ka kooban dhismooyin ay hay'addo ay degan yihiin iyo Hotel-ka DusitD2.

Dadka ku dhintay weerarkan oo la sheegay inay gaarayaan illaa 14 ayaa waxaa ku jira labo qof oo Soomaali ah.

Feysal Rashid Xaaji iyo Cabdalla Sheekh Maxamed Daahir, oo kasoo jeeda degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa lagu dilay weerarka.

Dadkan ayaa intooda badan lagu dhex dilay Hotel-ka. In ka badan 30 kale ayaa ku dhaawacmay weerarka kuwaasoo la dhigay Isbitaallada Nairobi.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka Nairobi kaasoo ay kusoo beegtay sanad-guuraddii 3aad ee kasoo wareegatay weerarkii Ceel-Cadde oo lagu dilay in ka badan 100 Askari oo Kenyan ah.

Taliyaha Booliska Kenya Joseph Boinnet ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen inay sifeeyaan inta badan dhismaha Hotel-ka DusitD2, oo ka kooban 101 qol, makhaayad iyo xafiisyo ay degan yihiin hay'addo maxali ah iyo kuwa caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM