In ka badan 13,000 qof oo ku geeriyootay colaadda Suudaan: UN

Image
Dhowr heshiis oo xabbad joojin ah ayaa ku guuldareystay inay soo afjaraan rabshadaha dalkan.

KHARTUUM, Suudaan - In ka badan 13,000 oo qof ayaa ku dhintay 26,000 oo kalena way ku dhaawacmeen colaadda ka socota Suudaan tan iyo sannadkii hore, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Suudaan waxaa hareeyay dagaal u dhexeeya ciidamada, oo uu hoggaaminayo Abdel Fattah al Burhan, madaxa golaha sare ee talada dalka, iyo kooxda gurmadka degdegga ah (RSF) tan iyo Abriil 2023.

"Qiyaastii 7.6 milyan oo qof ayaa ku barokacay gudaha iyo dibadda Suudaan tan iyo markii ay dagaalladu ka bilowdeen," ayuu yiri Xafiiska Isku-xirka Arrimaha Bani'aadamnimada ee Qaramada Midoobay.

Sida laga soo xigtay xafiiska, in ka badan 9,700 oo xaaladood oo looga shakisan yahay daacuunka, oo ay ku jiraan 269 dhimasho ah, ayaa laga soo sheegay Suudaan ilaa Janaayo 16.

Dhowr heshiis oo xabbad joojin ah oo ay garwadeen ka ahaayeen dhexdhexaadiyeyaasha Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa ku guuldareystay inay soo afjaraan rabshadaha ka socda waddanka Suudaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shiinaha iyo Jabuuti oo taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kana soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

Somaliland ayaa sannadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya, tan iyo xilligaasna waxay yeelatay hay'ado siyaasadeed.

  • Afrika

    24-10-2026

  • 05:45AM

Kenya oo xaqiijisay dhimashadii labaad ee Ebola, tirada dadka uu ku dhacay oo gaartay sagaal

Waxay halkaas ku heshay daryeel caafimaad, balse xaaladdeeda ayaa ugu dambeyn sababtay dhimashadeeda fiidkii Jimcihii.

  • Afrika

    24-10-2026

  • 05:39AM