In ka badan 176 qof oo ku dhintey daadad ku dhuftey bariga DR Congo

Image
Bishii Oktoobar 2014 ayay ahayd markii roobab lixaad leh ay burburiyeen in ka badan 700 oo guri isla dalkan.

NAIROBI, Kenya -  Ugu yaraan 176 qof ayaa ku dhintay daadad ku dhuftay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sidda uu sheegay mas’uul ka tirsan gobolka oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah.

Roobab dabaylo wata oo ka da'ay gobolka Koonfurta Kivu ayaa sababay in wabigu soo fataho maalintii Khamiista, waxaana uu sababay khasaare lixaad leh iyo khasaare nafeed oo ka dhacay tuulooyinka Bushushu iyo Nyamukubi.

Barasaabka Koonfurta Kivu, Théo Ngwabidje Kasi, ayaa tirada dhimashada ku sheegay 176 ruux, wuxuuna caddeeyay in weli dad kale la la'yahay ayna socdaan dadaalo samatabixin ah.

Xubin ka tirsan bulshada rayidka ah ee deegaanka, Kasole Martin, ayaa sheegay in 227 meyd ah la helay. “Dadku bannaanka ayay seexdaan. Iskuullada iyo isbitaallada waa la qaaday,” ayuu yiri Martin.

Sawirro laga soo qaadey meelaha ay musiibada ka dhacdey ayaa muujiyey guryo badan oo dumay iyo dadwayne fara badan oo dowladda ka dalbanaya in ay lasoo gaarto gurmad degdeg ah.

Qaar kamid ah dadka soo badbaadey oo ay soo samatabixiyeen shaqaalaha Laanqeyrta Cas ayaa muuqaalo laga soo duubay waxay muujiyeen iyaga oo argagaxsan isla markaana dhoobo ay qarisay.

Bishii Oktoobar 2014 ayay ahayd markii roobab lixaad leh ay burburiyeen in ka badan 700 oo guri isla dalkan DRC Congo. In ka badan 130 qof ayaa la sheegay in la la’yahay xilligaas, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM