In ka badan 30 haween ah oo lagu qafaashay Waqooyi-Galbeed Cameroon

Image
Saraakiishu waxay sheegeen in haweenka qaarkood ay "si xun u jirdileen" fallaagada aadka u hubaysan.

NAIROBI, Kenya - Kooxaha gooni-u-goosadka ah ee gobolka waqooyi-galbeed ee Cameroon ayaa afduubtay in ka badan 30 haween ah waxayna dhaawaceen tiro kale oo aan la cayimin, sida ay saraakiishu sheegeen.

Haweenkan ayaa laga qafaashay tuulada Big Babanki oo u dhaw xadka Nigeria, iyadoo lagu eedeeyay inay ka dhiidhiyeen bandow iyo canshuuro ay kusoo rogeen kooxaha gooni u goosadka ah.

"Ku dhawaad ​​30 haween ah ayaa waxaa afduubtay kooxaha gooni u goosadka ah [subaxnimadii Sabtida] - weli ma aanan helin," Kornayl ciidan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaya in tirada dadka la la’yahay ay intaas ka badan tahay inta illaa haatan la wariyey – ayna gaari karto ilaa 50 haween ah.

Saraakiishu waxay sheegeen in haweenka qaarkood ay "si xun u jirdileen" fallaagada aadka u hubaysan, kuwaas oo inta badan qafaala dad rayid ah, inta badanna madaxfurasho ka qaataan.

Hogaamiyaha gooni u goosadka Capo Daniel ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press in haweenkan la ciqaabayo kadib markii ay ogolaadeen in dowladda Cameroon ay “wax qabato”.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo si ay u soo furtaan haweenkaasi. Cameroon ayaa waxaa ragaadiyay dagaallo tan iyo markii gooni u goosadka ku hadla afka Ingiriisiga ay bilaabeen kacdoon 2017-kii.

Colaadda ayaa galaaftay nolosha in ka badan 6,000 oo qof waxayna ku khasbeen in ka badan hal milyan oo qof inay ka cararaan guryahooda, sida ay sheegtay kooxda xasaradaha oo soo xiganaysa illo wareedyo degaanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya Oo Ku Baaqday In Midowga Yurub Mudnaanta Siiyo La-dagaallanka Al-Shabaab

Kenya ayaa si xooggan u dalbanaysa in Midowga Yurub uu dib u eegis ku sameeyo istaraatiijiyaddiisa.

  • Afrika

    22-09-2025

  • 02:18PM

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM