In ka badan 30 qof oo ku dhimatay bas ku rogmaday koonfurta Mali

Image
Shilalka ay galaan basaska gaadiidka dadweynaha ayaa ah kuwo si joogta ah uga dhaca dalka Mali.

NAIROBI, Kenya - 31 qof ayaa lagu dilay dalka Mali 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii bas ku sii jeeday Burkina Faso uu ka dhacay buundada koonfur bari ee dalkaasi, sida ay sheegtay wasaaradda gaadiidka.

"Baska oo ka baxayey ismaamulka Kenieba kuna socday Burkina Faso ayaa ka baxay buundada. Dhimashada ku meel gaarka ah waa 31 qof oo isla goobta lagu dilay 10 kalena waa la dhaawacay, qaar ka mid ah waa ay halis yihiin," ayaa lagu yiri bayaanka.

Shilkan ayaa ka dhacay abaare 5-tii galabnimo ee xilliga maxaliga ah aagga Koumantou ee koonfurta caasimadda Bamako.

Shilalka ay galaan basaska gaadiidka dadweynaha ayaa ah kuwo si joogta ah uga dhaca dalka Mali.

19-kii Febraayo, ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 46 kalena waa ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay bartamaha Mali

Afrika ayaa ah afar meelood meel dhimasha taraafikada adduunka in kasta oo qaaradda ay leedahay 2 boqolkiiba gawaarida adduunka, sidda ay muujineyso xogta Qaramada Midoobay daabacdey sanadka markii uu ahaa 2023.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM