In ka badan 60 qof oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen doon degtay

Image
Ku dhawaad ​​dhammaan dadkii la socday doonta ayaa loo maleynayaa inay ka yimaadeen Senegal.

NAIROBI, Kenya - In ka badan 60 qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kadib markii dooni ay la socdeen laga helay xeebta Cape Verde ee Galbeedka Africa.

Soddon iyo siddeed qof oo ay ku jiraan carruur ayaa la soo badbaadiyay, iyadoo la arkayay muuqaallo muujinaya iyaga oo laga caawinayo xeebta, qaarkoodna ay saaran yihiin sariiro, jasiiradda Sal.

Ku dhawaad ​​dhammaan dadkii la socday doonta, oo badda ku jirtay muddo bil ka badan, ayaa loo maleynayaa inay ka yimaadeen Senegal.

Saraakiisha Cape Verde ayaa ku baaqay in tallaabo caalami ah laga qaado socdaalka si looga hortago khasaaro kale oo nafeed.

Markabka ayaa markii ugu horreysay la arkay Isniintii, sida ay booliisku u sheegeen wakaaladda wararka laga leeyahay Faransiiska ee AFP. Wararkii ugu horeeyay ayaa waxay sheegayaan in doonida ay degtay balse markii dambe ayaa la cadeeyay in la helay iyadoo sii socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM