In ka badan 70 muhaajiriin oo ku geeriyootay doon qalibantey

Image
Todobo qof oo kaliya ayaa ka badbaaday doonida degtay Talaadadii laakiin waxay ku jiraan "xaalad aad u daran".

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 73 qof oo tahriibayaal ah ayaa la la’yahay waxaana loo malaynayaa in ay dhinteen kadib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Liibiya, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM.

Todobo qof oo kaliya ayaa ka badbaaday doonida degtay Talaadadii laakiin waxay ku jiraan "xaalad aad u daran" iyaga oo yaalla isbitaalka, sidda laga soo xigtey warbixinta IOM.

Warbixinta oo loo diray hay'adaha warfidiyeenadda madaxa-banaan ayaa intaas ku dartey: "Ilaa hadda 11 qof oo mayd ah ayay hay’adda bisha cas ee Liibiya iyo booliiska soo saareen".

Doonta ayaa ku sii jeedday Yurub iyadoo IOM ay ku tilmaantay goobta ay ku qalibantey doonida in ay tahay "marinka tahriibka ee ugu dhimashada badan adduunka”.

In ka badan 130 qof oo badankooda kasoo jeeda qaaradda Afrika ayaa horay u dhintay sanadkan iyaga oo socdaal khatar ah ku maraya badda Mediterranean-ka.

IOM ayaa waxay intaas ku dartay in in ka badan 1,450 dhimasho ah ay diiwaangelisay mashruuceeda Muhaajiriinta maqan sanadkii lasoo dhaafay kuwaasoo isugu jira rag iyo dumar.

"Xaaladdani waa mid aan loo dulqaadan karin," ayay tiri Safa Msehli, oo ah afhayeenka kooxda iyaga oo ugu yeertey dowladaha caalamka in ay wax ka badalaan sidda xaalku yahay.

Ms Msehli ayaa sheegtay in loo baahan yahay dadaal dheeri ah si loo "kordhiyo awoodda goobidda iyo samatabbixinta, in la sameeyo habab cad oo badbaado leh iyo sidoo kale waddooyin ammaan ah oo joogto ah oo loo maro socdaalka si loo yareeyo safarrada khatarta ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya Oo Ku Baaqday In Midowga Yurub Mudnaanta Siiyo La-dagaallanka Al-Shabaab

Kenya ayaa si xooggan u dalbanaysa in Midowga Yurub uu dib u eegis ku sameeyo istaraatiijiyaddiisa.

  • Afrika

    22-09-2025

  • 02:18PM

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM