Injineer u dhashay Shiinaha oo lagu weeraray Kenya

Image
Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarka ayaa sheegtay in qaraxa uu qabsaday gaariga uu saarnaa Injineerka.

NAIROBI, Kenya – Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa laba qarax gobolka Waqooyi Bari Kenya kula eegtay kolonyo gaadiid ah oo galbineysay Injineer u dhashay dalka Shiinaha oo shaqo u jooga dalkaasi Kenya sida ay xaqiijiyeen saraakiisha deegaanka.

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa ka dhacay inta u dhaxeeysa deegaannada Ijaara iyo Sangaa’ilow ee Magaalada laamu, waxaana mid kamida labadaasi qarax uu haleelay gaari ay saarnaayeen ciidamada booliska dalka Kenya, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Kooxda Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarka ayaa sheegtay in qaraxa uu qabsaday gaariga uu saarnaa Injineerka u dhashay dalka Shiinaha oo ay ilaalo ka hayeen Ciidamada Kenya,

Maleeshiyada ayaa war ay faafisay ku sheegtay in ay  dishay Injineerka oo bartilmaameedka u ahaa balse sooma aysan bandhigin cadaymo muujinaya dilkiisa.

Dhanka kale Majirto wali wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka dalka Kenya oo ku aadan weerarkan, waxaana inta u dhaxeeysa deegaannada Ijaara iyo Sangaa’ilow ee Magaalada laamu ka socda howlgalo balaaran ay sameynayaan ciidamada amniga.

Kooxda ayaa weli ah mid xooggan oo fir fircoon, waxaana ay mas’uul ka yihiin weeraro badan oo argagixiso oo ay ku dhinteen dad badan, sida weerarkii suuqa ganacsiga ee Westgate ee Kenya September 2013, qaraxyadii Muqdisho 14kii Oktoobar 2017 iyo qaraxii Muqdisho December 2019 kaas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 100 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM