Ingiriiska oo taageeray qorshaha Kenya ee gal-dacwadeedka badda

Image

NAIROBI, Kenya – Boqortooyadda Ingiriiska ayaa u rucleynaysa in ay dhexdhexaadiso Soomaaliya iyo Kenya si ay is-afgarad uga gaaraan xiisadda badda, sidda laga soo xigtay wargeyska afka dheer ee The Star.

Iyadda oo adeegsaneysa danjiraheeda Kenya, Jane Marriot, Britain ayaa sheegeysa in ay jeclaan lahayd in ay aragto Nairobi iyo Muqdisho oo xurgufka xuduud badeedka ku xalinaya miiska wada hadalka dushiisa.

Marriott ayaa rumeysan in wada xaajood uu wali yahay qaabka kaliya ee labadda qaran kusoo afjari karaan isqabqabsiga.

Hadalkan ayay sheegtay markii Talaadadii ay hoygiisa kula kulantay madaxweyne ku xigeenka waddanka dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika, William Ruto.

Kulankii madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta ku dhexmaray New York, halkaasoo ay kaga qeybgaleen shirka loo dhan yahay ee UN-ka, ayay xustay in uu dhabaha u xaari karo in la dhameeyo mashaqadan.

"Wada hadal dhex-mara Kenya iyo Soomaaliya si loo xaliyo muranka badda waa muhiim. Tani waa sababta uu madaxweyne Kenyatta uu ula kulmay dhigiisa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo," ayay raacisay.

Farmaajo iyo Kenyatta ayaa isla meeldhigay in la sameeyo guddi ka shaqeeya sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee dowladaha deriska ah, ayna khatar kaga imaaneyso Al-Shabaab.

Isaga oo ka hadlayey shirka Qaramada Midoobay, hogaamiyaha dalka leh xeebta ugu dheer Afrika, wuxuu tilmaamay in ay isku afgarteen in kiiska badda ay xukun ku rido Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.

Hase ahaatee, Kenyatta oo war ka duwan kaas ka dhawaajiyay, ayaa dhankiisa wuxuu hoosta ka xariiqay in waddankiisu doonayo in wada hadal lagu qaboojiyo xiisadda.

Gal-dacwadeedka oo taagan tan iyo 2014-kii ayay ICJ dib u bilaabeysaa dhageysigiisa bisha November, waxaana fadhigiisa oo ah midka ugu dambeeya kadib soo baxaya xukunka oo ah mid aanan rafcaan lahayn.

Meesha ay isku haystaa labadda dowladood ayaa hodan ku ah kheyraad dabiici ah sida Shidaal iyo Gaaska naqaska ah, waxaana mid walba oo labada dhinac kamid ah uu heshiisyo la galay shirkad u soo saara faa'iidadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo qorsheynaya inuu ka qaado cunaqabataynta dalka Eritrea xilli ay taagan tahay xiisadda Badda Cas

Sannadkii 2021-kii, maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa cunaqabatayn baahsan saaray xisbiga talada haya ee Eritrea.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:25PM

Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ku nool South Africa oo wajahaya cabsi iyo weerarro ajnabi-nacayb ah

Dawladda Nayjeeriya ayaa durba bilowday qorshe ay dib ugu celinayso muwaadiniinteeda doonaya inay dalka ka baxaan.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:13PM