Isaias Afwerki: Covid-19 waa dagaal kedis ah oo aan loo diyaar-garoobin

Image

ASMARA, Eritrea – Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa markii ugu horeysay shacabka wadankaas kala hadlay Coronavirus tan iyo markii xaaladihii ugu horeeyay la diiwaan-geliyey 21-kii bishii Maaj.

Fariinta hogaamiyaha waxaa laga sii daayey Eri-TV iyo idaacadda Dimtsi Hafash, kuwaas oo si toos ah u hoostaga xukuumadda Asmara.

Cudurka Covid-19 ayuu ku tilmaamay "dagaal kedis ah kaas oo dunida ugu yaraan ay fileysay balse aan si buuxda loogu tabaabusheysan".

Muwaadiniinta dalkaas ayuu ku booriyey in ay raacaan talooyinka caafimaad si nafsadooda aysan halis ugu gelin caabuqa dilaaga ah.

Talaabooyin ayuu ka dhawaajiyey in dowladiisa ay qaadi doonto gaar ahaan mashaariicyo lagula dagaalamayo faafitaanka xanuunkaas.

Dadweynaha ayuu kaga mahadceliyey in ay qaadeen talaabooyin ay kaga hortagayaan caqabadaha iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara safmareenka mustaqbalka dhow iyo midka fog.

Kiisaska fayruskaan ee gudaha Eritrea ayaa gaaraya 35, illaa iyo haatan. Dhamaantooda waxay ku jiraan karantiil. Badankoodu waa muwaadiniin.

Guddiga ka hortagga caabuqa ayaa soo rogay go'doomin todobaadyo ah, iyaddoo Wasaaradda Caafimaadka ay ku boorisay rayidka in ay joogaan guriyahooda si looga baaqsado in ay xaaladda faraha ka baxdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM