Iskaashiga "soo daahay" ee looga soo horjeedo Al-Shabaab

Image
Madaxda dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in ay kawada shaqeeyaan ciribtirka kooxda.

NAIROBI, Afrika - Madaxda dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya ayaa Arbacadii shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

War-murtiyeed laga soo saaray shir-madaxeedkan ayaa lagu sheegay in wadamadda gobolka ay isku afgarteen in la abaabulo dhaqaale si loo taageero howlgallada ka socda Soomaaliya.

Matt Bryden waa aasaasihii Sahan Research, oo ah koox cilmi baaris amni iyo siyaasad diiradda saarta Geeska Afrika. Idaacadda VOA-da ayuu uga waramay natiijadda kasoo baxdey shirkan.

Iskaashi "laga maarmaan ah"

“Shirka ay Muqdisho ku yeesheen madaxda dalalka safka hore, runtii waa tallaabo lagama maarmaan ah oo lagu horumarinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si ka madax bannaan arrimaha nabadda iyo amniga, sida doorka ATMIS-ka iyo iskaashiga amniga, iskaashiga dhaqaale ee dhexmara dawladahan jaarka ah," ayuu yiri.

Khabiirka ayaa xusay in inkastoo Al-Shabaab ay xarun u tahay Soomaaliya, haddana ay weeraro khasaare badan geystay ka fuliyeen gobolka oo dhan, gaar ahaan Kenya, ayna gudaha u galeen dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

“Marka, tani waxay ku saabsan tahay Soomaaliya iyo deriskeeda inaysan si fudud isaga kaashanayn dagaalka caadiga ah ama ka-hortagga ah ee Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya," ayuu qiray.

Wadashaqeyn "soo daahdey"

Wuxuu raaciyey: "Waxay ku saabsan tahay baaritaanka, aqoonsiga iyo carqaladeynta shabakadaha Al-Shabaab ee maalgeliyayaasha, fududeeyayaasha iyo taageerayaasha firfircoon ee gobolka oo dhan".

Bryden ayaa tibaaxay in wada shaqeynta dalalkan ay tahay mid soo daahday, isagoo xusay in urur goboleedka IGAD ay horay ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah inay la tacaalaan Al-Shabaab oo dhibaato ku ah gobolka.

Gabagabadii shir madaxeedka ka dib, hogaamiyayaasha afarta dal ayaa sheegay in ay isku raaceen in la sameeyo hannaan isku dhaf ah oo wadajir ah, isla markaana ay si wadajir ah u qorsheeyaan istiraatijiyad adag oo hawlgal ah oo ka dhan ah mintidiinta Islaamiga ah.

Bixitaanka ciidamadda ATMIS

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa December 2024 u qabtay in ciidamada Midowga Afrika ay ka baxaan Soomaaliya. Madmadow badan ayaa ku gadaaman qaabka loo fulin karo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa laga doonayaa in mudadaas ay ku diyaariso in ka badan 24-kun ciidamo ah kuwaasoo mas'uuliyadda ammaanka kala wareegaya cutubyadda shisheeye.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyeyaasha ayaa su'aal gelinaya haddii xukuumadda Muqdisho ay mudadaas ku diyaarin karto iyaga oo cuksanaya gaabiska ka jira dhanka saadka iyo dhaqaale ku filan oo aan laga helin Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM