Isku-day afgembi milatari dhicisoobay oo ka dhacay Guinea-Bissau

Image
Madaxwayne Umaro Sissoco Embaló ayaa balanqaadey in si xun loo ciqaabi doono dambiileyaasha.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Guinea-Bissau ayaa waxa uu ku dhawaaqay in rasaas xooggan oo Jimcihii ka dhacday caasimadda dalkaas ay ahayd isku day afgambi, sidda ay warisay saxaafadda.

Umaro Sissoco Embaló ayaa caddeeyay in uu wakhtigaa dalka ka maqnaa, isagoo ka qayb galay shirkii cimilada ee Qaramada Midoobay ee COP28 ee ka dhacay Dubai.

Isagoo hadlayay Sabtidii, Madaxweyne Umaro Sissoco Embaló oo ay soo xigatay warbaahinta wuxuu ballan qaaday "in cawaaqib xun" ay la kulmayaan dambiilayaasha.

Waa afgambigii labaad ee la fashiliyo oo ka dhan ah hoggaankiisa muddo laba sano ka yar. Rabshadaha ayaa bilaabmay fiidnimadii Khamiista waxayna socdeen ilaa subaxnimadii Jimcaha.

Nin lagu tilmaamay inuu ahaa hoggaamiyihii koox askar ah oo isku dayay inay sii daayaan wasiir la xiray iyo sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Guinea-Bissau ayaa la qabtay, sida ay ciidamadu sheegeen.

Xubno ka tirsan Ciidanka Ilaaladda Qaranka ayaa kaxaystay mas’uuliyiinta ka hor inta aysan gabaad ka dhigan xeryaha ciidamadda ay ku leeyihiin koonfurta magaalada.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa soo kala dhexgalay kadib markii ay fashilmeen isku dayo lagu doonayay in lagu wada xaajoodo, taasoo keentay in rasaas la is dhaafsado. Xaalka ayaa haatan dagan.

Wasiirka maaliyadda Souleiman Seidi iyo António Monteiro, oo ah xoghayaha dawladda ee khasnadda, ayaa la xiray iyada oo ay socdaan baaritaanno la xiriira in laga waayay $10 milyan maaliyadda dowladda.

Bishii Febraayo ee sannadkii hore, madaxweyne Embaló ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day afgambi ka dib markii ay rasaas culus socotay muddo shan saacadood ah - dhacdo ay ku dhinteen 11 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM

Dagaalka Moyale oo sii xoogeysanaya, kumannaan qofna u qaxey dalka Kenya

Si kastaba, saraakiisha gargaarku waxay ka digayaan in sahayda jirta aysan dabooli karin baahida sii kordheysa.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:47AM