Israa'iil oo dalbatay in ay dhexdhexaadiso colaadda Suudaan

Image
Mareykanka ayaa la sheegay in uu xog-ogaal ah u yahay faragelinta Israa'iil ee dagaalkan sokeeye.

KHARTUUM, Suudaan - Maamulka Yahuuda ayaa bilaabay dhex-dhexaadin ay ugu kala dab-qaadeyso labada janaraal ee kala hogaaminaya colaadda Suudaan, sidda ay warisay saxaafadda caalamka.

Jeneraal Cabdel Fataax Al Burhaan,taliyaha milatariga Suudaan, iyo Maxamed Xamdaan Ximaydti, horjoogaha xoogaga RSF, ayaa la sheegay in loo bandhigay in Yahuudu ay heshiisiineyso.

Warsidaha Axios oo faafiyey warbixintan ayaa tabiyey "in uu muuqdo horumar kooban oo waan-waantaas kasoo if-baxdey". Hase ahaatee, ma bixin tafaasiil dheeraad ah.

Sidda laga soo xigtay qormadda Jariiradan, Mareykanka ayaa xog-ogaal ah u ah faragelinta Israa'iil ee dagaalkan sokeeye. Balse, illaa haatan dhinacyadda Suudaan wali ma aysan xaqiijin.

Bishii koowaad ee sanadkii 2021-kii, Suudaan ayaa ku dhawaaqday in ay caadi ka dhigtay xiriirka ay la leedahay Israel iyada oo wafuud labada dhinac ah la is waydaarsaday. Falkaas wuxuu abuuray carro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM