Itoobiya: Dad rayid ah oo ku dhamaadey duqeyn diyaaradeed

Image
Saddex qof oo kale oo uu ku jiro madaxa cisbitaal maxali ah ayaa ku dhaawacmay falkan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Shan qof oo rayid ah ayaa lagu dilay gobolka Axmaaradda ee Itoobiya kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay gantaal ku dhufatay ambalaas, sidda ay dad goob-joogayaal ah u sheegeen BBC.

Saddex qof oo kale oo uu ku jiro madaxa cisbitaal maxali ah ayaa ku dhaawacmay falkan oo ka dhacay magaalada Wogel Tena ee waqooyi bari ee Axmaarada.

Weerarku waxa uu dhacay asbuucii hore hase ahaatee waxa la xaqiijiyay Arbacada maanta ah sababo la xiriira xannibaadaha isgaarsiinta ee ay soo rogeen maamulka deegaanka.

Dad goob-joogayaal ah ayaa hoosta ka xariiqay in dadka geeriyoodey ay kamid yihiin darawalkii waday Ambalaasta, Farmashiste iyo Shaqaalihii dhismaha ka ag dhawaa.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa la sheegay in ay u adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka si ay u beegsadaan maleeshiyaad deegaanka ah, iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha bilaawday bishii April.

Bishii la soo dhaafay, Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegtay inay dhibsatay duqaymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaaceen bartilmaameedyo rayid ah oo ku yaalla Axmaarada.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa waxa ay hoosta ka xariiqdey in dhowr qof lagu dilay weerar lagu qaaday xarun dugsi iyo goob basaska laga raaco taas oo ay sababtay waxyeelo dhimasho ah soo gaarey dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM