Itoobiya: Dagaal mar kale ka dhex-qarxay Soomaalida iyo Oromada

Image
Sida ay sheegayaan dadka deegaankaasi, ayaa shalay waxaa la gubay guryo, waxaana dagaalkaasi ka dhashay barakac.

ADDIA ABABA, Ethiopia - Wararka ka imaanaya degmada Guri-dhaamoole ee gooblka Liiban ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in halkaa uu dagaal ka socdo.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa qawmiydaha Soomaalida iyo Oromada oo halkaa wada dega, iyadoo wali ay go’antahay isgaarsiintii degmadaasi.

Sida ay sheegayaan dadka deegaankaasi, ayaa shalay waxaa la gubay guryo, waxaana dagaalkaasi ka dhashay barakac.

Hase yeeshee faah-faahinta sida wax u dhaceen way adag tahay in la helo, maadaama isgaarsiintu ay go'an tahay.

Waxaa xusid mudan in dhanka kale ee Oromada aan isku daynay in aan la xiriirno, si arrintaan wax uga waydiinno ee dagaalka socda, hase yeeshee ma aanay noo suura galin inaan helno.

BBC

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM