Itoobiya iyo Kenya oo diiwaan-geliyey kiisas badan oo ah Coronavirus

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladdaha Kenya iyo Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqay kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus oo wadamadaas si aayar ah ugu faafaya.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in 25 ay xaqiijisay 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kuwaas oo 19 kamid ah aysan safar gelin, saddex kelana gudaha lagu qaadsiiyey, 3-kelana ay safar galeen.

Tani ayaa waxay wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ee Itoobiya ay ka dhigeysaa 187, sidda ku xusan warbixinta maalinlaha.

Sidda ay ka dhawaajisay Wasaaradda Caafimaadka, kororkaan waa maalintii ugu badneyd tan iyo markii uu dilaacay cudurka.

Dhanka kale, xukuumadda fadhigeedu yahay Nairobi ayaa soo warisay 25 kiisas cusub, taas oo wadarta guud ka dhigeysa 607.

Warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in todoba bukaan ay ka bogsadeen xanuunka; tiradda guud ee dadka caafimaadey waxay sii mareysaa 197 ruux.

Tiradda geeridda ayaa sii cagageyneysa 29 kadib markii afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay la xaqiijiyey 3 dhimasho ah.

Itoobiya iyo Kenya ayaa kamid ahaa dalalkii ugu horeeyay ee dhaca Geeska qaarada Afrika ee xaqiijiyey kiisaskii ugu horeeyay, balse waxaa hooseeya sarre u kaca dadka uu soo ridanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM