Itoobiya iyo Kenya oo la siiyey sahay ay isaga caabiyaan halista Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Mareykanka ayaa gaadiid ay ku xoojiyaan ololahooda ka dhanka ah maleeyshiyaadka Al-Shabaab siiyey Kenya iyo Itoobiya, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee wadamadan.

Safaarada Mareykanka ee Itoobiya ayaa 29-kii September waxay xustey in sahayda la siiyey Addis Ababa ay ku kaceyso $2.9 milyan ayna iskugu jiraan gadiidka shidaalka, booyado, baabuurta gurmad, kuwa xamuulka, kumbiyuutaro iyo qalab kale oo habeenkii oo qura la adeegsado.

"Taakulada waa qaabka kaliya ee dowladda Mareykanka uga caawin karto xulafadeeda Itoobiya la dagaalanka argagixisada. Waxaan sii wadi doonan mucaawinadan illaa laga ciribtirayo," ayay raacisay.

Bishii hore ee September 17-keeda, Mareykanka wuxuu 23 gaadiid ayna ku jiraan kuwa aan xabadda karin ugu deeqay milatariga Kenya. Munaasabad ka dhacdey magaala madaxda Nairobi ayay ku kala wareegeen.

Gaashaanle Sarre Joseph Kivunzi, taliyaha ciidamadda Kenya ee taliska Galbeed, ayaa lagu wareejiyey deeqdan lagu qeexay "muhiim".

Al-Shabaab ayaa haatan loo arkaa khatarta ugu weyn ee gobolka Geeska Afrika xilli ay kalkii hore ay ku koobnaayeen gudaha Soomaaliya.

Itoobiya iyo Kenya oo deris la ah Soomaaliya waxay kamid yihiin dalalka ciidamadda ku leh howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kaasoo ay maalgeliso Beesha Caalamka isla markaana kamid tahay Washington.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM