Itoobiya oo abaalmarin duldhigtay hogaanka TPLF

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowlada Itoobiya ayaa abaalmarin lacageed oo dhan tobban milyan lacagta waddankaas ah una dhiganta $260,000 waxay dul-dhigtay hogaanka baxsadka ah ee xoogaga TPLF.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa shaaca ka dhigtey in lacagtaas ay siin doonto cid kasta oo keenta maclumaad lagu soo qaban karo ama muujinaya meesha ay ku dhuumaaleysanayaan saraakiisha jabhadda.

Telefishinka ku hadla afka dowladda Itoobiya iyo Guddiga loo xilsaarey xaaladda gobolkaas ayaa faafiyey wararkaas Jimcaddii.

Hogaamiyeyaasha TPLF ayaa loo maleynayaan in ay ku hareereysan yihiin buuraleyda gobolkas tan iyo markii ay waayaan gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Maqale 23-kii November.

Tan iyo markii laga saarey magaala madaxda, ma jirto wax wareysi ah oo ay siiyeen warbaahinta caalamiga oo ay la hadli jireen kahor inta aan laga saarey magaala madaxda gobolkan waqoyga dhaca.

Xaalada gobolka Tigray ayaa haatan ah mid degan. Nolosha waxay kusoo laabaneysaa si caadi ah. Maamul ku meelgaar ah ayaana loo dhisay kaasoo soo celiyey isgaarsiinta iyo adeeggii internet-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM