Itoobiya oo ciidamo kala baxday xuduuda Eritrea

Image

ADDIS ABABA - Ethiopia ayaa xaqiijisay inay bilowday ka saarista ciidamadeeda ee dhulka ay kula mursan tahay Eritrea, taasi oo qayb ka ah heshiis nabadeed oo ay labadda dowladood kala saxiixdeen bishii July ee 2018

Heshiiska ayaa soo afjartay colaaddii dhinaca Sohdinta oo muddo 20 sano ah u dhaxeysay Eithiopia iyo Eritrea, taasi oo galaafatay nolasha Kumanaan kun oo labadda shacab ah, ayna ku jiraan ciidamo.

Labada dal ayaa dagaal qaraar dhex-maray intii u dhaxeysay 1998 iyo 2000. Inkasta oo labo sano kadib ay kala saxiixdeen heshiis nabadeed, haddana cilaaqadkooda wuxuu ahaa mid cakiran.

– Xudunta colaadda –

Xuduudka magaaladda Badme waxay ahayd halkii uu kasoo bilowday dagaalka, oo loo aqoon-saday Khariiradda colaadda.

Balse tan iyo bishii July, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed ayaa qaaday talaabooyin isbedal xoogan sameeyay oo kusoo celiyay xiriirka diblumaasiyadeed iyo midka Ganacsi ee Ethiopia iyo Eritrea.

Qoysas labadda dhinac kasoo jeeda oo ku kala ir-dhoobay colaadda ayaa dib isku helay, waxayna dib-u dhisteen guryahoodii.

Dadka ku xeel-dheer siyaasadda gobolka, sikastaba, waxay sheegayaan in wallow uu jiro heshiiska nabadeed uu waxyar ka bedali karo Eritrea, oo wali loo aqoonsan yahay dalka ugu sirdoonka badan Afrika iyo midka latakooro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hichilema oo mar kale ku guuleystay doorashada Zambia, mucaaradkana oo natiijada dacwad ka gudbinaya

Mundubile ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in natiijada doorashadu aysan “si dhab ah uga tarjumayn wixii ka dhacay doorashadan”.

  • Afrika

    19-08-2026

  • 06:03AM

Abiy Axmed: Itoobiya waxay noqotay maxbuus juqraafiyeed 

Itoobiya ayaa badeedii waysay markii Eritrea go'day 1993, iyadoo tallaabadaasi ay hadda ka shaleynayaan madaxda talada haysa.

  • Afrika

    14-08-2026

  • 12:10PM