Itoobiya oo gacanta ku dhigtay hub ka yimid dhinaca Somaliland

Image

JIGJIG, Soomaali Galbeed – Mas'uuliyiinta degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Khamiista maanta ah waxay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen 22-bastoolad nooca Turkiga sameeyo ah.

Saraakiishan oo ka tisan Wasaaradda Dakhliga iyo Kastamka lana hadlay warbaahinta ayaa tibaaxay in hubkan ay ku jireen gaari noociisu yahay Isuzu oo ka yimid dhanka Somaliland.

Jaraa'idka Addis Standard ku waramaya in bastooladaha laga qabtay bar-gaadiidka lagu hubiyo oo ku taala magaalo xuduudeedka Tog-Wajaale ee dhacda xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Warbixinadda ay bixiyeen saraakiisha amniga ayaa waxay intaasi raacinayaa in hal qof oo la tuhunsan yahay kaasoo la socday gaariga la dhigay xabsiga, isla markaana la waydiinayo su'aallo.

"Waxaan qabanay 22-xabo oo bastoolado nooca Turkigu sameeyo ah, kuwaasi oo ay la socdaan rasaastooda. Ujeedada, cidda lahayd iyo halkay kusii jeedeen waan baareynaa," ayuu yiri sarkaal.

Dhacdadan ayaa waxay kusoo hagaageysaa iyada oo shalay bileyska Itoobiya uu shaaciyey in ay xireen shaqsiyaad isku dayey in ay fakiyaan Cabdi Maxamed Cumar [Cabdi Illay].

Madaxweynihii hore ee degaanka Soomaalida oo xiran tan iyo bishii August ee 2018-kii ayaa loo haystaa xadgudubyo dhanka bini'aadanimadda ah iyo qalalaaso ka dhacay gobolka.

Laamaha ammaanka oo heegan sarre ku jiray tan iyo markii gobolku ka dhacay xasaradihii isbedelka sababay ayaa howlgalo ay sameeyeen kusoo qabqabtay xubno lala xiriirinayo falal liddi ku ah nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Axmed: Itoobiya waxay noqotay maxbuus juqraafiyeed 

Itoobiya ayaa badeedii waysay markii Eritrea go'day 1993, iyadoo tallaabadaasi ay hadda ka shaleynayaan madaxda talada haysa.

  • Afrika

    14-08-2026

  • 12:10PM

Sudan: RSF oo sheegatay inay si buuxda ula wareegtay magaalo u dhow xadka Itoobiya

Dowladda Sudan ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay fududeyneyso taageero milatari oo Imaaraadka Carabta uu siinayo RSF.

  • Afrika

    13-08-2026

  • 04:50PM