Itoobiya oo ka digtay qorshe ay Masar ka damacsan tahay Somaliland

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Itoobiya oo ka digtay in Masar ay saldhig ka sameysato Somaliland ayaa ku tilmaamtay talaabadaas mid wiiqeysa xasiloonida gobolka, carqaladeyneysana la dagaalanka ururka Al-Shabaab.

Digniinta rasmiga ah ee Addis Ababa ayaa kusoo hagaageysa maalmo kadib markii Garowe Online uu si gaar ah u baahiyey in xukuumadda Abiy Axmed ay ka banaanbaxdey wafidigii Qaahira ee tegay Hargeysa.

Wafdiga Masaarida ee booqdey Hargeysa waxaa kasii horeeyay wafuud kale oo Khaahira ka degay; dhinacyadda waxay la kulmeen madaxdooda.

Dina Mufti, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo qiray in dal kasta uu xaq u leeyahay in uu ilaashado danahiisa, ayaa ku adkeystay in aysan aqbali karin talaabo "lagu waxyeeleynayo waddan kale".

"Madax-banaani ahaan, Masar waxay u haysataa sharciyad in ay la sameysato xiriir waddan kasta oo ku yaala gobolka," ayuu u sheegay Daily Nation, isagoo ku daray hadalkiisa: "Hadii Masar ugu talogashay joogitaankaas in ay ugu hanjabto waddan saddexaad taas ma ahan wax cuntami kara".

Afhayeenka ayaa si cad u sheegay in ay sharci darro u aqoonsan doonan hadii ku talogalka Masar ee ah in ay saldhig ka sameysato Somaliland uu yahay cadaadis ka dhan ah Itoobiya oo xifaaltan siyaasadeed uu dhexyaalo.

Masar iyo Itoobiya ayaa isku haya biyo-xireenka webiga Nile, kaasoo dowladda Soomaaliya la safatay Addis Ababa, wallow lagu dhaleeceeyay.

Somaliland oo 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale balse aan aqoonsi helin ayaa u muuqata in ay xusul-duub ugu jirto sidii ay uga dhex-faa'iideysan lahayd loolanka waddamadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM