Itoobiya oo ka jawabtay eedeynta Madaxweyne Xasan Sheekh

Image

ADDIS ABABA - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiyaayaa beenisey hadal ka soo yeeray Dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa isku dayo la sheegay in ammaanka Dowladda Itoobiya ay ku doonayeen in ay ka hortagaan in wafdigeeda ay galaan shirka Madaxda Midowga Afrika.

Xubno ka socda dalal kala duwan oo ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku gacan seyray eedeynta dowladda Soomaaliya, sida uu sheegay.

Afhayeenka wasaaradda Danjire Meles Alem oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii ay u sugi lahayd ammaanka madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada inta ay ku sugan yihiin Addis Ababa, isla markaana ay u daabulaan ciidamo ammaanka qaabilsan.

“Laakin, Madaxweynaha Soomaaliya waa uu diiday in uu qaabilo ciidamada ammaanka ee ay u dirtay dowladda Itoobiya,” ayuu yiri Danjire Meles.

In la geeyo ciidamo nabad-sugid ah oo loogu talagalay wanaagga martida ayaa lagu bartay dhacdooyinka diblomaasiyadeed ee waaweyn; balse, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqay arrin liddi ku ah, ayuu Afhayeenku ku macneeyay.

Dowladda Itoobiya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku qaabishay munaasabad soo dhaweyn ah oo la mid ah dhammaan madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada, sida uu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in ilaaladii wafdiga Soomaaliya oo isku dayay in ay gudaha u galaan Xarunta Midowga Afrika oo ku hubeysan qoryo ay ka hortageen, ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

GROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM