Itoobiya oo ka jawabtay eedeynta Madaxweyne Xasan Sheekh

Image

ADDIS ABABA - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiyaayaa beenisey hadal ka soo yeeray Dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa isku dayo la sheegay in ammaanka Dowladda Itoobiya ay ku doonayeen in ay ka hortagaan in wafdigeeda ay galaan shirka Madaxda Midowga Afrika.

Xubno ka socda dalal kala duwan oo ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku gacan seyray eedeynta dowladda Soomaaliya, sida uu sheegay.

Afhayeenka wasaaradda Danjire Meles Alem oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii ay u sugi lahayd ammaanka madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada inta ay ku sugan yihiin Addis Ababa, isla markaana ay u daabulaan ciidamo ammaanka qaabilsan.

“Laakin, Madaxweynaha Soomaaliya waa uu diiday in uu qaabilo ciidamada ammaanka ee ay u dirtay dowladda Itoobiya,” ayuu yiri Danjire Meles.

In la geeyo ciidamo nabad-sugid ah oo loogu talagalay wanaagga martida ayaa lagu bartay dhacdooyinka diblomaasiyadeed ee waaweyn; balse, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqay arrin liddi ku ah, ayuu Afhayeenku ku macneeyay.

Dowladda Itoobiya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku qaabishay munaasabad soo dhaweyn ah oo la mid ah dhammaan madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada, sida uu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in ilaaladii wafdiga Soomaaliya oo isku dayay in ay gudaha u galaan Xarunta Midowga Afrika oo ku hubeysan qoryo ay ka hortageen, ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

GROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM