Itoobiya oo meesha ka saartey wadahadalo ay ka furto TPLF

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Wasiirka dimuqraadiyadda Itoobiya, Zadig Abraha, ayaa meesha ka saarey wadaxaajoodyo ay la galaan hogaanka jabhadda ka dagaalameysa gobolka Tigray.

Ismaamulkan boqolaal ayaa lagu dilay, kumanaan kalana lagu qasbay in ay ka barakacaan guriyahooda tan iyo markii dagaalku ka qarxay ismaamulka bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay.

Dhanka kale, Ra'iisul wasaare Abiy Ahmed, oo ku labisan dareeska ciidanka, ayaa booqday goobta dagaalka ee gobolka Afar, wuxuu kormeeray xarunta hawlgalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee garoonka Semera.

Kormeerkan ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyada oo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in diyaaradaha Turkiga/Shiinaha ee ka qaybqaata dagaalka ka dhanka ah ciidamada Tigray.

Geesta kale, Jabhadaha Oromada ayaa sheeganaya inay qabsadeen dhowr magaalo, tuulooyin ku yaal Aagga Guji ee gobolka Oromiya kadib markii ay isku dhaceen militariga Itoobiya.

Arrimahan ayaa kusoo beegamaya iyadda oo xukuumadda Addis Ababa ay hay'addo samafal kuna jirto MSF ay ka joojisay in ay ka howlgasho gobolo kan Soomaalida kamid yahay saddex bilood.

Maamulka Abiy ayaa ku eedeeyay hay'adahan gargaarka in ay taageerayaan kooxda ay dagaalka ku jirto. Balse, hay'adduhu waxay gaashaana ku dhufteen sheegashooyinka dowladda federaalka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM