Itoobiya oo muddeysay bixitaanka ciidanka xulafada la ah

Image
Talaabadan ayaa ka dambeysay markii heshiis nabadeed uu dhexmaray Addis Ababa iyo TPLF.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Wasiirka Isgaarsiinta Dowladda Itoobiya Legese Tulu ayaa sheegay in dhammaan ciidamada ku dagaallamaya gobolka Tigray ee aan ka tirsaneyn ciidamada federaalka ay isaga bixi doonaan marka hubka ay dhigaan jabhadda TPLF.

Ciidamada Axmaarada iyo Canfarta iyo sidoo kale ciidamada Eritereeya ayaa ka barbar dagaalamayey ciidamada federaalka oo labadii sano ee lasoo dhaafay dagaal kula jiray jabhada TPLF ee Tigreega.

Xukuumada iyo kooxda TPLF ayaa 2-dii November heshiis nabadeed ku kala saxiixday magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, si loo soo afjaro dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi.

Sidoo kale, ciidamada iyo taliyayaasha kacdoonka ayaa 12-kii bishan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku kala saxiixday heshiis nabadeed.

Dhanka kale, xisbi mucaarad ah oo ka dhisan gobolka Tigray ee Baytona Tigray ayaa diiday heshiiska nabadeed, wuxuuna sheegay in TPLF aysan matalin qoomiyada Tigrayga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM