Itoobiya oo "qabatay" hub ay leedahay Al-Shabaab

Image
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ay qorsheynayeen in ay fuliyaan falal argagixisanimo.

MUQDISHO, Sooamaliya – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo doonayay in ay hub u soo geliyaan dhulka Soomaalida Itoobiya.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay EBC, warbaahinta dowladda, waxaa lagu xiray deegaanka Afdheere, degmada Ceelkere, iyo deegaanka Buula.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ay qorsheynayeen in ay fuliyaan falal argagixisanimo. Bartilmaameedyada la qorsheeyay waxay ahaayeen gobolka, sida ku cad warbixinta.

18-sanduuq oo ay ku jiraan rasaasta AK47, lix qori oo RPG ah, iyo laba qori oo kuwa darandooriga u dhaca ah ayaa laga soo qabtay raggan.

Dabayaaqadii bishii April ee sanadkan, Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay gacanta ku dhigtay 34 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay wadeen qorshayaal ay ku fulinayaan dhagar argaggixiso oo ay ku beegsanayaan magaalooyinka Addis Ababa, gobolka Oromada ee dalka Itoobiya iyo gobolka Soomaalida.

Dalka Itoobiya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka socday caqabado la xiriira rabshado diimeed waxaana dowladda Itoobiya ay ku andacooneysaa in cadawga gumeysiga Itoobiya ay isku dayayaan in ay ka faa’ideystaan diinta si ay uga abuuraan rabshado diimeed oo ku baahay dalkaasi.

Al Shabaab oo si weyn u adeegsada qaraxyada iyo weerarada ismiidaaminta ah ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya, ciidamada midowga Afrika iyo shacabka ayaa awood u leh in ay weeraro gaysato wadamo ka baxsan Soomaaliya.

Al Shabaab oo horay dhowr weerar oo dhiig ku daatay ku qaaday dalka Kenya halka sirdoonka Itoobiya uu cadeeyay in uu xir xiray kooxo ka tirsan Al Shabaab oo maleegayay weeraro qorshaysan oo ka dhaca dalka Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM