Itoobiya oo shaacisay mowqifkeeda raalligelintii Farmaajo ee Somaliland

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladda Itoobiya ayaa warbixin kooban waxay kasoo saartay raalligelintii uu madaxweyne Farmaajo ka siiyey Somaliland xasuuqii uu taliskii Siyaad Barre u geystay gobolada waqooyi.

Ugu horeyn, xukuumadda Addis Ababa ayaa cudurdaarka ku tilmaamtay mid loo qaadey dhanka is-fahamka iyo nabadda gobolka.

Muuse Biixi Cabdi ayay ku bogaadisay in uu ogolaadey cudurdaarkaas, wallow hogaamiyaha Somaliland uu diidey baaqa Farmaajo oo ahaa in jabhada SNM ay dhankeeda cudurdaarka qeyb ka noqoto.

"Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi wuxuu soo dhaweeyay raalligelinta guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadii Siyaad Barre," ayay tiri wasaarada arrimaha dibada.

Waxay raacisay: "Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ugu sacabo tumay talaabadan inay tahay mid gaar ah oo taariikhi ah".

Cudurdaarkaas ayaa yimid markii ay xafiiska ra'iisul wasaare Abiy Axmed ku kulmeen Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

Wallow aysan tafaasiil dheeri ah ka bixin arrimaha leysla soo qaadey, wasaaraddu waxay ammaantay kulankaas uu Abiy qeyb ka ahaa.

“Toddobaadkii hore, labada hogaamiye markii u horaysay waxay kulan albaabadu xidhanyihiin ku yeesheen Addis Ababa," ayaa lagu yiri warbixinta todobaadlaha ee Wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya.

Isagoo la hadlay baarlamaanka maamulkiisa, Biixi ayaa sheegay in shirka lagu soo qaadey in Abiy uu u kala dabqaado labada dhinac, talaabadaas oo uu caddeeyay in ay isla meeldhigeen saddexdooda.

Hadalka Itoobiya ayaa imaanaya iyaddoo la xaqiijiyey in kulanku qeyb ka ahaa in Farmaajo iyo Abiy kawada degaan Hargeysa, wallow arrintaas uu ganafka ku dhuftay Biixi isla markaana uu iska indha-tiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM