Itoobiya oo "qabatay" dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Itoobiya ayaa maanta oo Sabti ah waxay shaaca ka dhigtay in ay qabatay dagaalameyaal ka kala tirsan maleeyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay hay'adda, xubnahaan ayaa qorsheynayey in ay "weeraro argagixiso fuliyaan" inta lagu guda jiro howlgalka ay ciidamadda Ethiopia kawadaan gobolka Tigray.

Dagaaameyaasha Al-Shabaab ee la qabtay ayaa magacyadoodu kala yihiin; Abdul Abdi Jemal, Abdrohman Aden Abubeker, Muktar Gab Gosa, Gama Direye Abdi, Shiek Ahmed Nur Mohammed Ousman, Kusow Aden Hussien, Mohammed Hassen Aden Oumer iyo Redwan Muhad.

Qabashada Abdul Abdi Jemal ayaa lagu waramay in ay suurtagelisay in gacanta lagu soo dhigo xubnahaan kale, taasoo ugu yaraan la macno noqon karta in uu horjooge u ahaa shabakada argagixisadda ah.

Xubnaha lagu eedeeyay in ay kamid yihiin Daacish ayaa magacyadooda waxay kala yihiin; Aseffa Gedimwork. The arrested suspected members are named Fuad Shifa Kedir, Abduljebar Abdella Ibraim, Sied Mustafa Ibrahim, Musuj Sajibo Gebeyehu and Belay Teshome (Idris) iyo hogaamiyahooda Aseffa Gedimwork.

"Dhamaan la tuhunsaneyaashaan waxaa ku socda baaritaan waxaana lala soo wadaagi doonaa warbaahinta fahfaahinta kasoo baxda su'aallo waydiintooda," ayaa lagu yiri bayaankan ay faafisay warbaahinta dowladda Itoobiya.

Warka qoraalka ah ayaa lagu caddeeyay ismaamulada Soomaalida, Oromada iyo Amxaarada ay booliska federaalka Itoobiya ka caawiyeen qabashada shaqsiyaadkan watay hub ay kamid yihiin bastoolado iyo isgaarsiin.

Waqoyga Ethiopia ayaa muddo ka badan todobaad waxaa ka oogan colaad u dhaxeysa ciidamadda dowladda iyo jabhadda TPLF ee ka dagaalanta gobolka Tigray, waxaana colaadaas ka dhashay khasaaro isugu jira geeri iyo dhaawac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM