Itoobiya: Xal laga gaaray Colaada Soomaaliya iyo Canfarta

Image

JIGJIGA - Guddiga xallinta khilaafka dhex yaalla labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya oo kulan ku yeeshay magaalada Jig-jiga, ayaa soo saaray qodobo muhiim ah, oo xal u noqon kara dagaalka u dhexeeya maleeshiyaadka labada dhinac.

Qodobada la isku afgartay ayaa waxaa kamid ahaa, In la kala qaado labada maleeshiyaad ee is hor fadhiyaan, isla markaana la sameeyo goobo ka caaggan ciidamada.

Dhinaca ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la qabto kulamo la isugu soo dhawaynayo shacabka degaannada Soomaalida iyo Canfarta si meesha looga saaro dirirta soo noqnoqotay ee deegaanka.

Guddiga ayaa sheegay in la isku afgartay in dadkii barakacayaasha ah ee dhibaatadu soo gaartay dib loogu celiyo goobahoodii, iyo in dib u dejin loo sameeyo, iyadoo arrintan ay iska kaashan doonaan xukuumadda Federalka iyo labada dowlad degaan.

Qodobka u dambeeya ee isna la isku afgartay ayaa ah In xal waara laga gaaro sababta keenaysa ama ka dambaysa khilaafka soo noqnoqonaya ee u dhaxeeya degaannada Soomaalida iyo Canfarta, iyadoo qodobkan guddi gaar ah loo saaray si ay xal uga gaaraan.

Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaannada ay ku muransan yihiin sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla soohdinta ay wadaagaan labada deegaan.

Bishii April 2021 waxaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeyay wadahadal u dhaxeeyay madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalida iyo Canfarta, kaas oo xal loogu raadinayay xiisada labada qoomiyadood ku dhaxmaray qaybo ka mid ah gobalka Siti.

Qodobadan ayaa haddii ay siday yihiin u hirgalaan waxaa xal waara laga gaari doonaa, khilaafka iyo isku dhacyada inta badan u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta, iyadoo labadan shacab ay yihiin kuwo aad isugu dhaw dhanka dhaqanka, diinta iyo nolosha kaleba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM