Jabhad ka dhan ah taliska milateriga ee Mali oo lagu dhawaaqay

Image

BAMAKO, Mali - Isbaheysi ka kooban kooxo hubeysan ayaa ku dhawaaqay in ay isu diyaarinayaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen taliska milatariga ee talada haya ee dalka Mali, iyaga oo ku eedeeyay in ay ku xad-gudbeen waajibaadka amniga ee labada dhinac.

Kooxahan midoobay ayaa ku booriyay dadka rayidka ah in ay ka fogaadaan xarumaha ciidamada, taasoo digniin cad u ah in uu dagaal qarxo.

Waxa xiisadda sii xoojisay ayaa ah warkii ka soo baxay maamulka gobolka “Gao” ee dhaca bariga dalka oo uu ku sheegay in uu gobolka ku soo rogayo bandow soconaya 30 maalmood inta u dhaxaysa 8-da fiidnimo ilaa 6-da subaxnimo.

Tallaabadan ay qaadeen kooxaha hubeysan ayaa timid kadib weerar ismiidaamin ah oo Jimcihii lagu qaaday xero ciidan oo ku taal waqooyiga Mali, iyo maalin kadib weeraro rag hubeysan ku qaadeen xero ciidan iyo dooni rakaab ah, halkaasoo ay ku dhinteen 64 qof.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM