Jabhadda TPLF oo gaashaanka ku dhufatay warar laga faafiyey

Image
Bishii hore ayay ahayd markii xisbiyada mucaaradka ah ee Tigrayga ay qaadaceen ka qayb galka shir.

NAIROBI, Kenya - Jabhadda Tigreega ee TPLF ayaa beenisay in ay maamul ku meel gaar ah ka dhisteen gobolka waqooyi sida uu dhigayo heshiiskii nabadeed ee la saxiixay bishii November ee sanadkii hore.

Shabakad wararka ee maxali ah ayaa sheegtay in kooxda TPLF ay soo gabagabaysay dhismaha maamul ku meel gaar ah oo ka kooban 28 xubnood, kaas oo u baahan ogolaanshaha dawladda dhexe.

Balse, afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaa tibaaxay in maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray la dhisi doono oo kaliya ka dib wada tashiyo dhexmara dhinacyada heshiiska Pretoria.

"Wararka sheegaya in [dawlada ku meel gaarka ah] lagu dhisay Tigray iyada oo aysan Addis ku lug lahayn waa been. Tigray waxay dooneysaa oo kaliya in ay qaybteeda qaadato," ayuu Mr Getachew yiri.

Xisbiyada siyaasadeed ee gobolka ayaa ku baaqaya in la helo dowlad ku meel gaar ah oo loo dhan yahay si ay u maamusho gobolkan kasoo kabanaya dagaaladii sokeeye ee khasaaraha geystay.

Bishii hore ayay ahayd markii xisbiyada mucaaradka ah ee Tigrayga ay qaadaceen ka qayb galka shirka lagu dhisayo dowlad ku meel gaarka ah, iyagoo ku eedeeyay kooxda TPLF inay kaligeed maamulayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM