Jabuuti oo gudbisay dalab la xiriira shirka Russia iyo Afrika

Image

MOSCOW, Russia - Jamhuuriyada Jabuuti ayaa waxay gudbisay soojeedin ku saabsan shirka soo aadan ee Ruushka iyo qaarada Afrika, sida uu shaaca ka dhigay wasiirka arrimaha dibadda Russia, Sergey Lavrov.

Lavrov oo Talaadadii ay soo xigatay wakaaladda wararka Russia ee TASS ayaa hadalkiisa wuxuu yimid ka gedaal markii uu la kulmay dhigiisa Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf. Balse, ma bixin tafaasiisha soojeedinta.

Sida ay warisay TASS, diblumaasiga ugu sareeya Ruushka ayaa hadalkaas wuxuu yiri intii ay socotay munaasabadda furitaanka wadahadalada labada wasiir oo ku qabsoontay isla gudaha Mosocow.

"Maanta, waxaan heysanaa fursad wanaagsan oo aan ku aragno sida loo fulinayo heshiisyadii lagu gaaray shirkii ugu horreeyay abid ee Ruushka iyo Afrika, kaasoo ka dhacay Sochi sanadkii 2019. Dabcan, sidii lagu heshiiyay Sochi, waxaan isku diyaarin doonnaa shirkii labaad, kaas oo loo qorsheeyay in la qabto 2022," ayuu yir.

Wuxuu ku daray: "Shalay waxaan helnay soo jeedintiina oo faahfaahsan oo ku saabsan sida aad u arki doontaan ajandaha munaasabaddaas iyo heshiisyada cusub ee lagu gaari karo shirwaynaha soo socda".

Diblumaasiga ugu sareeya Ruushka ayaa intaas ku daray "Waan ku faraxsanaan doonnaa in aan isdhaafsano fikradaha ku saabsan natiijadaas maanta".

Shir madaxeedka labaad ee Ruushka iyo Afrika ayaa la filayaa in lagu qabto mid ka mid ah dalalka qaaradda Afrika, waxaana waqti xaadirkan soconaya qabashada araajida wadamada doonaya martigelintiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM