Jabuuti oo ku biirtay dalalka Geeska Afrika ee dayax gacmeed u diray Hawada Sare

Image

JABBUUTI (GO) - Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta ku guuleysatay inay hawada sare u dirto dayax-gacmeedkii ugu horreeyay iyadoo ku biirtay dalalka Geeska ee horey hawada dayax-gacmeedka ugu diray. Waxaa lagu magacaabaa dayax-gacmeedkeeda "Jabuuti 1A".

Dayax-gacmeedkan ayaa lala kaashaday Xarunta Spatial Universitaire de Montpellier (CSUM) ee laga Faransiiska. Waxaana naqshdeeyay injineero iyo farsamoyaqaanno Jabuutiyaan ah kuwaas oo Dayax-gacmeedka ku tijaabiyay dalka Faransiiska.

Mashruuca ayaa ujeedadiisu ahayd in la sameeyo dayax gacmeed ay leeyihiin dadka reer Jabbuuti oo aan dibadda laga sooo iibsan sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada Sare ee Jabbuuti Nabiil Maxamed Axmed.

Dayax gacmeedku wuxuu bixin doonaa xogta xaaladaha dhulgariirka & Cimilada, taasoo u ogolaanaysa Mas’uuliinta inay qaataan go'aamo xog ogaal ah oo khuseeya beeraha iyo isbeddelada deegaanka ee dalka oo dhan.

Dayax-gacmeedka, Djibouti 1A, ayaa laga diray Saldhigga Ciidanka Cirka ee Vandenberg, Waxa uuna ka gudbay dhamaan tijaabooyinka la marsiiyay.

Mashruucan ayaa lagu tilamaamay in uu muujinayo awoodda wadamada Afrika ay u leeyihiin in ay samaysataan oo ay diraan dayax-gacmeedka, taas oo Cabbir laga qaadan karo horumarka ay ka gaareen dhanka tignoolajiyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM

Dagaalka Moyale oo sii xoogeysanaya, kumannaan qofna u qaxey dalka Kenya

Si kastaba, saraakiisha gargaarku waxay ka digayaan in sahayda jirta aysan dabooli karin baahida sii kordheysa.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:47AM