Jabuuti oo xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee caabuqa Coronavirus

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Dowladda Jabuuti ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay hubisay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus.

Maxamed Warsame Diiriye, wasiirka caafimaadka, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in ay ka heleen qof u dhashay dalka Spain.

Bukaankaas ayaa Jabuuti galay 14-kii bishaan Maaj sanadka 2020, sidda ay Diiriye kasoo xigatay Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda Jabuuti.

Caabuqaan saf-marka ah ayaa maalmo ka hor wuxuu gaarey wadamadda xuduuda wadaaga ee kala ah; Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.

Kiisaska Itoobiya ayaa gaaraya lix, halka Kenya ay mareyso todoba, Soomaaliya illaa iyo haatan waxay hubisay hal muwaadin oo China ka yimid.

Shaqsiyaad kale oo lagu tuhmayo xanuunkaas ayaa baaritaano dheeraad ah ay ku socdaan, inkastoo ay ku jiraan kuwa laga helay calaamadaha.

Dowladahan ayaa ka siman in ay mamnuuceen duulimaadyadda isla markaana ay muddo 15-maalmood ah ay xayiraad kusoo rogeen tacliinta.

Coronavirus oo kasoo bilowday magaalada Wuhan ee Shiinaha ayaa illaa iyo haatan wuxuu galaaftay in ka badan shan kun, sidda ay shaacisay hay'adda WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM