Jeneraal ka howlgalay Soomaaliya oo u geeriyooday safmarkeena Covid-19

Image
Image

KAMPALA, Uganda – Jeneraal ka tirsanaa ciidamadda Uganda kana soo howlgalay wadamo ay kamid tahay Soomaaliya ayaa 18-kii November, 2020 wuxuu u geeriyooday safmareenka Covid-19, sidda ay warisay mareega New Vission.

Iyaddoo duugiisa ay dhacdey Sabtidii 21-ka November, 2020 kana qeybgaleen saraakiil ciidan, Emmy Mulindwa ayaa howlgalka AMISOM wuxuu ka ahaa sarkaal caawiye, waxaana uu si gaar ah u joogay magaaladda Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamadda Uganda ayaa lagu ammaanay wax-qabadka naf-hurnimadda leh ee Mulindwa waxaana la tibaaxay in uu aqoontiisa iyo kartiisa u hibeeyay sharafta dareeska uu xirnaa.

Deo Akiiki, afhayeenka ciidamadda Uganda oo bayaanka uu kasoo baxay xafiiskiisa, ayaa carabka ku dhuftay in ay jiri doonan munaasabado kale oo loogu baroor-diiqayo laguna soo bandhigayo wax-qabadka sarkaalka.

Nakibuka Robinah Mulindwa oo ku hadleysa afka xaasaska uu ka geeriyooday Jananka, ayaa xustay in uu ahaa saaxiib wanaagsan, waxaana uga mahadcelisay taliska ciidamadda maamuuska balaaran oo ay u sameeyeen.

Julius Yiga oo ku hadlay afka caruurtiisa ayaa ku nuux-nuux saday in aabihii uu ahaa muwadin jecel waddankiisa isla markaana ay si weyn u tabi doonan. Yiga waa kabtan ka tirsan ciidamadda difaaca shacabka ee Uganda.

Marka laga reebo Soomaaliya, dalalka kale ee Mulindwa uu shaqadda nabad-ilaalin uu kasoo qabtay waxaa kamid ah Tanzania iyo South Sudan.

Uganda ayaa kamid ah dalalka lagu bilaabay howlgalka AMISOM, waxaana tiradooda lagu qiyaasaa in ka badan saddex kun, wallow qorshuhu yahay in ay waddanka hayaamaan dhamaadka sanadkan aan ku jirno ee 2020.

Mulindwa oo ciidanka ku biiray 1983-dii ayaa soo noqdey isu-duwe, sarkaal maamul, sarkaal howlgal, taliye qeybeed ka tirsan AMISOM iyo jagada uu ku geeriyooday oo ah sii-haayaha ku xigeenka madaxa Madaxa Shaqaalaha iyo Maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM