Kenya Airways oo la wareegtay suuqa xamuulka Soomaaliya

Image
Booskan waxaa horey ugu jirtey Ethiopia Airlines taas oo sababsatay xiriirka xumaadey ee Muqdisho iyo Addis Ababa.

NAIROBI, Kenya - Diyaaradda Kenya Airways ayaa si toos ah u bilowday in ay si toos ah isaga kala gooshto magaalada Sharjah ee dalka Imaaraatka Carabta iyo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo dooneysay in ay ballaariso ganacsigeeda.

Shirkaddu waxa ay bilawday duulimaad todobaadle ah oo dhaqan-galay Jimcaha 9-ka February, iyada oo qorshaheedu yahay in uu safarto laba jeer todobaadkiiba bisha April.

Kenya Airways ayaa fulinta qorshahan waxaa kala shaqeeyay wakiilka iibka ee fadhigiisu yahay Dubai Global GSA Cargo LLC oo ah shuraakohooda saadka si ay ugu adeegaan Abu Dhabi iyo Muqdisho.

Diyaaradda Kenya Airways waxay ku kordhisay duulimaadkeeda xamuulka qaada diyaarad B737-800F bishii November ee la soo dhaafay, iyada oo qorshaynaysa in ay kiraysato diyaarad labaad oo taas la mid ah.

Diyaaradahan ayaa leh awood sare oo xamuul ah, waxaana ay ku shaqeeyaan duulimaadyo fogaan, marka loo eego Kenya Airways oo ah labada nooc ee B737-300F, oo ay isticmaali jirtay.

Sikastaba ha ahaatee, Kenya Airways ayaa u muuqata in suuqan ay kala wareegeyso Ethiopian Airlines taas oo labo jeer laga celiyay hawada Soomaaliya tan iyo markii uu xumaadey cilaaqaadka u dhaxeeya xukuumadaha Addis Ababa iyo Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM