Kenya Airways oo shaacisay in ay hakisay duulimaadyadda Muqdisho

Image

NAIROBI, Kenya – Shirkadda diyaaradaha Kenya ayaa Sabtida maanta ah waxay ku dhawaaqdey in ay joojisay duulimaadyadda ay ku tagi jirtay todoba magaalo oo ay kamid tahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka sarre ee shirkaddan ayaan lagu caddeynin sababta dhabta ah ee ka dambeys arrintaan.

Magaalooyinka kale ee Muqdisho wehliya ayaa waxay kala yihiin; Luanda, Khartoum, Maputo, Brazzaville, Blantyre iyo Bamako.

"Wadashaqeynta nagala dhaxeysa bahwadaagteena [magaalooyinkaas] way sii socon doontaa iyaddoo la adeegsanayo xudunteena Nairobi," ayaa lagu yiri bayaanka oo loo diray xarumaha warbaahinta gudaha.

Laguma soo bandhigin warka qoraalka hadii go'aankaan uu yahay mid ku meelgaar ah ama in uu yahay go'aan kama dambeys ah oo ay gaareen.

Bishii November sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii Kenyan Airways ay si rasmi ah ugu dhawaaqdey bilowga duulimaadyadeeda Muqdisho, hase ahaatee, lama ogga waxa soo dedejiyay go'aankan lama filaanka ah.

Talaabadaan ayaa kusoo hagaageysa xilli dowladda Soomaaliya ay diidey in ay xayiraada ka qaado Khaadka ka yimaada Kenya, oo bishii Maaj loo mamnuucay sabab la xiriirta musiibadda dunida aafeeysay ee Covid-19.

Dowladda Kenya oo dhowaan dib u furtay duulimaadyadda calamiga ah ayaa ka reebtay Soomaaliya meelaha looga imaan karo, talaabadaas waxay keentay in Tanzania ay dalkeeda ka mamnuucdo Kenya Airways.

Muqdisho iyo Nairobi waxaa ka dhaxeysay xifaaltan siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed, taas oo madmadow gelisay xiriirkooda. Intaas waxaa wehlisa, dacwadda badda ee hortaala Maxkamadda dambiyadda caalamiga ah ee ICJ.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM