Kenya: Al-Shabaab oo la wareegtay 60% magaaladda Mandheera

Image
Gudoomiyaha Mandheera Mohamed Adan Khalif

KENYA - Guddoomiyaha Mandera Maxamed Aadan Khaliif ayaa shaaca ka qaaday in 60% gobolka ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Al Shabaab.

Maxamed ayaa sheegay in joogitaanka dagaalyahanada ay saameyn ku yeelatay adeegyadii kala duwanaa ee ka jiray qeybo ka mid ah gobolka.

"Ma bixin karno adeegyada meelaha qaarkood. Al-Shabaab ayaa maamula in ka badan 60 boqolkiiba gobolka taas oo saameynaysa shaqadeena,” ayuu yiri Maxamed.

Guddoomiye Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisa uusan awoodin in uu u qabto adeegyada bulshada sababo la xiriira joogitaanka Al Shabaab ee gobolka.

“Tusaale ahaan gobolka Mandheera, boqolkiiba 60 waxaa maamula Al-Shabaab. Ma bixin karno adeegyo, maxaa yeelay anaga xitaa waxaana ku xiranahay Xarunta Gobolka, "ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxa uu ka hadlay Arbacadii kulan amniga Wajeer lagu raadinayey habab lagula tacaali karo weerarada Al-Shabaab ee gobolka Waqooyi Bari halkaas oo hoggaamiyeyaasha ay ku baaqeen dadaal wadajir ah oo wax looga qabanayo argagixisada.

Shirka amniga ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyeyaasha gobollada iyo guddiga amniga iyo sirdoonka ee gobolka oo ka kala socday afar gobol oo dhaca xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Hogaamiyayaasha ayaa ka wada hadlay weerarada sii kordhaya ee Al Shabaab. Hoggaanka maamul goboleedyada Mandera, Wajeer, Garissa iyo Lamu ayaa sheegay in kulanka ka sokow laga soo saaray go’aamo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa argagixisada, ay ku baaqeen in bulshada laga wacyigeliyo sidii meesha looga saari lahaa waxyaabaha taageera argagixisada.

Kulankaan oo looga soo horjeedo dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee sii kordhaya ee lagu bartilmaameedsanayo isgaarsinta iyo waddooyinka ay isticmaalaan ciidamada ammaanka.

Hogaamiyayaasha ayaa ku baaqay in la taageero dowladda qaranka si loola dagaalamo kooxda.

"Iyadoo dowladda qaranku ay sidoo kale diiradda saarayso wax ka qabashada amniga qaranka, waxaan u baahannahay isku-xir dhow si aan ula dagaallano Al-Shabaab iyo argagixisada gobolka," ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari John Otieno ayaa sheegay in ka qeyb qaadashada bulshada ay fure u tahay soo afjarida weerarada xudduudaha ee ay geysanayaan Al-Shabaab.

Taageero la'aanta dadka maxalliga ah ayaa noqotay arinta ka maqan dagaalka lagula jiro argagixisada ee aagga xadka Soomaaliya.

Argagixisada ayaa weeraro ku qaaday goobo ku dhow xuduudka Kenya iyaga oo adeegsanaya qoryo iyo walxaha qarxa oo ay ku dhinteen tobaneeyo qof iyo dhaawac badan.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa ka soo tallaaba xadka Soomaaliya, waxayna billaabeen olole ay ku qoranayaan dhalinyarada degaanka. Soomaaliya ma aysan helin dowlad xasiloon kadib markii la riday Siyaad Barre 1991.

Ciidamada Kenya ayaa ku sugan Soomaaliya iyagoo hoos taga howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS si ay gacan uga geystaan ​​la dagaalanka kooxda Al-Shabaab. Askarta KDF waxay tagteen Soomaaliya Oktoobar 2011.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM