Kenya ayaa hakisay qorshihii ay ciidamadda ugu direysay Haiti

Image
Go'aankan ayaa ka dambeeyay markii ra’iisul wasaaraha Haiti Ariel Henry uu shaaciyay inuu xilka ka tagayo.

NAIROBI, Kenya - Sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa BBC-da u sheegay in qorshihii uu dalkaas ciidamo ugu dirayay Haiti uu hadda hakad ku jiro ka dib markii uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Haiti Ariel Henry in uu xilka ka tagayo.

Korir Sing'oei, oo ah xoghayaha guud ee arrimaha dibadda, ayaa sheegay in dalkaas uusan ka jirin maamul siyaasadeed aysan jirin "cid damaanad-qaadeysa kala dambeynta".

Mr Sing’oei ayaa intaa ku daray in Kenya ay sugi doonto soo dhisida maamul cusub oo dastuuri ah ka hor inta aan la gaarin go’aano kale.

Sannadkii hore, Kenya waxay ballan-qaadday inay ku-dhawaad ​​1,000-askari oo booliis ah geyn doonto Haiti si ay qayb uga noqdaan ciidammo caalami ah si ay ula dagaallamaan kooxaha burcadda ah.

Soo daabulista ayaa lagu hayay maxkamadaha laakiin horaantii bishan waxay u muuqatay in dhammaan caqabadaha sharciga ah la nadiifiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM