Kenya: Diblumaasi loo xukumay dil loo geystay danjire

Image
Maxkamadda ayaa sidoo kale xukun ku ridday saddex nin oo u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo lala soo eedeeyay xukunsanaha.

NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taal Kenya ayaa diblumaasi u dhalatay Venezuela ku heshay danbi ah inuu 10 sano ka hor ku dhex-dilay ku simihii safiirkii qaranka dhaca Latin America gurigeeda oo ku yaala Nairobi.

Dwight Sagaray, oo ahaa xoghayihii koowaad ee safaaradda, ayaa lagu helay danbi ah dilkii Luliyo, 2012 loo geystay Olga Fonseca, garsoore Roselyn Korir ayaa sidaas sheegay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukun ku ridday saddex nin oo u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo lala soo eedeeyay Sagaray, iyagoo sheegay inay ku lug lahaayeen qorshe guud oo lagu fuliyey dilka.

Eedeysane kale oo baxsaday dilka ka dib, ayaa weli baxsad ah, waxayna Maxkamaddu sheegtay in amarka lagu soo xiray uu sii ahaado mid sii jiri kara.

Sagaray waxaa lagu maxkamadayn karaa dilka sababtoo ah ma uusan helin xasaanad diblomaasiyadeed kadib markii Venezuela ay ka tanaasushay dambiga kadib, sidda ay sheegtay maxkamada.

Fonseca ayaa la helay iyada oo lagu ceejin qolka jiifka wax ka yar laba toddobaad markii loosoo dirtay Nairobi, taas oo ka dambaysay ka dib markii uu si lama filaan ah u baxay safiirkii hore ka dib markii ay ku eedeeyeen shaqaalihiisa guriga inuu ku kacay faraxumayn.

Sagaray, oo hogaaminayay howlgalka ka hor inta uusan imaan Fonseca, ayaa ka carooday joogitaankeeda tan iyo markii uu doonayay inuu sii wado kormeerka safaaradda, maxkamada ayaa ogaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM